Home Wararka Maanta Ninkii Swedan ku Gubay Kitaabka Quraanka oo Lagu Weeraray Dalkaas iyo Dhaawac Soo Gaaray(Sawiro)
Wararka Maanta - August 21, 2023

Ninkii Swedan ku Gubay Kitaabka Quraanka oo Lagu Weeraray Dalkaas iyo Dhaawac Soo Gaaray(Sawiro)

Xaafadda Södertälje ee magaalada Stockholm waxaa galabta lagu weeraray ninka caanka ku noqday gubitaanka Qur’aanka Kariimka ah Salwan Momika.

Nin sitay galoofyada feerka ayaa la sheegay inuu ku boobsaday feer

“Waxaan isku dayay inaan ka hortago inuu isoo weeraro, dhowr jeer ayaan ka codsaday in aanu ii soo dhowaan, haddana waa i soo weeraray wuuna i garaacay,” ayuu yiri Salwan Momika.

Waxaa uu Booliska u sheegay ninkan in qofka soo weeraray uu ahaa muslim. “Saldhigga Södertälje anigoo jooga ayaa qof muslim ah isoo weeraray wuuna i garaacay wuxuuna iigu hanjabay inuu i dili doono, waxaana hadda ku jiraa isbitaalka anigoo dhaawac ka ah isha iyo madaxa,” ayuu yiri Salwan Momika.

Shacab ka fal-celiyey dhacdadan oo ay ku jiraan qaar badan oo Swedish ah ayaa muujiyey inay ku faraxsan yihiin weerarka lagu qaaday ninkan oo ay qaarkood sheegeen inuu halis gelinayo ammaanka dalkooda, iyadoo qaarkood ay soo jeediyeen in dalka laga musaafuriyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *