Home sports Mohamed Salah Oo Doonaya In Uu Rekoodh Cajiib Ah Ku Barbareeyo Kulanka Bournemouth
sports - March 7, 2020

Mohamed Salah Oo Doonaya In Uu Rekoodh Cajiib Ah Ku Barbareeyo Kulanka Bournemouth

Liverpool ayaa soo dhawanaysa kooxda Bournemouth waxayna Reds doonaysaa in ay ka soo kabsato guuldaradii lama filaanka ahayd ee ka soo gaadhay Watford taas oo ay ku lumiyeen rekoodhkii guuldaro la’aanta ee ay xili ciyaareedkan ku soo jireen.

Liverpool waxay sidoo kale doonaysaa in ay sii joogtayso rekoodhka guuldaro la’aanta ee Anfield ay waqtiga dheer ugu soo jirtay balse Mohamed Salah ayaa haysta fursad uu rekoodh cajiib ah ku gaadhi karo.

Mohamed Salah ayaan xaalad fiican ku soo jirin kulamadii ugu danbeeyay wuxuuna taas kala mid ahaa inta badan ciyaartoyda kooxdiisa oo waqti adag soo qaatay.

Mohamed Salah ayaa rekoodh cajiib ah ku leh kooxda ay barri ka hor iman doonaan ee Bournemouth wuxuuna dhigi doonaa rekoodh aan hore loo arag haddii uu kulankan wax gool ah ka dhaliyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *