Home Wararka Maanta London:-Maxkamad ku Heshay 66 jir Somali ah Denbi Dilka Xaaskiisa Ah.
Wararka Maanta - February 25, 2021

London:-Maxkamad ku Heshay 66 jir Somali ah Denbi Dilka Xaaskiisa Ah.

February 25, 2021 woqooyiga magaalada London, ayaa danbi ah inuu xaaskiisii dilay ku heshay Xuseen Cigaal oo ah 66 sano jir Soomaali ah.

Falkan ayaa bishii April ee sanadkii hore ka dhacay xaafada Edmonton ee woqooyiga magaalada London.

Maryan Ismaaciil oo 57 sano jir aheyd ayaa ayaa ka shaqeyn jirtay iskuul ku yaalla xaafada lagu dilay, halka ninka dilka geystay uu ahaa shaqaale darawal bus.

Xeer ilaalinta booliska woqooyiga London ayaa maxkamada ka hor sheegay in falka dilka ah uu ninkan u adeegsaday waxyaabo ay kamid yihiin macuunta guriga sida Mindiyo, Digsi iyo Birta malawaxda, ilaa ay ka nafbaxdo. Waxaana jirka marxuumada dhimatay laga helay ilaa 68 dhaawac oo kaga yaalay wajiga, madaxa, qaarka sare iyo jirka oo dhan.

Sarkaalka ka tirsan booliska oo ahaa qofkii ugu horeeyay ee soo galay guriga lagu dilay marxuumada, oo maxkamada ka markhaati furay ayaa sheegay in muuqaalka guriga uu meydka marxuumada ugu tagay uu ahaa mid aad looga argagaxo.

Ninkan dilka xaaskiisa qirtay ayaa maxkamada ka hor sheegay dhowr sharaxaad oo kala duwan oo ku saabsan sababta uu xaaskiisa u dilay, waxaana ka mid ahaa inuu iska difaacayey xaaskiisa oo weerar kusoo qaaday, balse danbi-baarayaasha booliska ayaa jirkiisa ka waayay wax dhaawac ah oo muujinayo in lasoo weeraray, hase ahaatee dadka jaarka la ah qoyuskan ayaa sheegay in ninkan uu ku caan baxay xanaaq iyo dabeecad xumo loo malaynayo iney sabab u yihiin dilka uu xaaskiisa kula kacay, waxaana uu ninkan muteysan doonnaa xukun xabsi daa’in ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *