Home Wararka Maanta Canada Oo Shaacisay Iney Qaadaneyso 240 Qaxooti Somali ah Oo Laga Diiday Australia.
Wararka Maanta - July 1, 2021

Canada Oo Shaacisay Iney Qaadaneyso 240 Qaxooti Somali ah Oo Laga Diiday Australia.

July 1, 2021 9:08 pm Dowlada Canada ayaa shaacisay inay dalka Australia ka soo qaadaneyso Qaxooti gaaray 240 qof oo Soomaali ah

Qorshaha Dowlada Canada ku soo qaadaneyso Qaxootiga waxaa iska kaashanaya Dowlada iyo Hay’adda UNHCR oo dhanka Qaxootifa u qaabilsan QM.

Australia ayaa Qaxootigan u diiday sharciga waxayna ku dhibaateysan yihiin dalkaasi 150 ka mid ah waxay ku jiraan xarun qaxooti loomana ogola in banaanka u baxaan.

Canada ayaa horay u balan qaaday in uu Qaxooti ka soo qaadanayso dalalka caalamka qaarkood.

Canada ayaa ah dal qaxootiga ku sugan ee Sharci la’aanta ah ay shaqeysan karaan si la mid ah dadka kale, dowladuna kuma cadaadiso iney dalka ka baxaan ama galaan xarumo gaar ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *