Home breaking news Xildhibaan Ilhaan Cumar Oo Abaheed U Geeryooday Xanuunka Covid-19
breaking news - Wararka Maanta - June 16, 2020

Xildhibaan Ilhaan Cumar Oo Abaheed U Geeryooday Xanuunka Covid-19

June 16, 2020

Ilhan Omar oo ka tirsan Koongareeska Mareykanka ayaa barta ay ku leedahay twitter-ka waxa ay ku shaacisay galabtii Isniinta inuu aabeheed Nuur Cumar Maxamed uu u geeriyooday. Ilhan ayaa caddeysay aabeheed inuu u dhintay cudurka dunida aafeeyay ee Covid-19. “Ma jiraan ereyo aan ku qeexi karo qiimaha aabahey uu iigu fadhiyay”, ayay ku soo qortay barteeda twitter-ka.

Nuur Cumar Maxemed ayaa ku xanuunsanaa magaalada Minneapolis dhawrkii beri ee u danbeeyay isaga oo markii danbe la dhigay isbitaalka Hennepin County (HCMC), ee magaalada Minneapolis halkaas oo uu ku geeriyooday Allaha u naxariistee.

Marxuumka waxa uu ku dhashay magaalada xeebta ah ee Bandar-Beyla, Beri, waxaa uu ku koray magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku biiray ciidanka millatariga dalka uuna ka gaaray heer sare. Marka laga reebo afka hooyo, waxa uu si fiican ugu hadli jiray luuqadaha Carabi, English-, Talyaani iyo Ruushka.

Ilhan iyo aabeheed ayaa xeryaha qaxootiga Kenya ka soo galay dalkaan Mareyka Mareykanka 23 sano ka hor. Marxuumka berri ayaa lagu aasi doonaa magaalada Burnsville, halkaas oo ay ku yaallaan qabriyada lagu aaso dadka Muslimiinta ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *