Home Wararka Maanta Madaxwayne Kuxigeenka Dawlada Puntland Oo Kormeer ku tagay Jiida Tukaraq.
Wararka Maanta - March 24, 2020

Madaxwayne Kuxigeenka Dawlada Puntland Oo Kormeer ku tagay Jiida Tukaraq.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta kormeeray, Fariisimaha Ciidamada Difaaca Puntland ee ku sugan deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Kormeerka waxaa Madaxweyne Ku-xigeen Axmed Karaash ku wehelinayey Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere iyo Xubno ka mid ah Guddiga dib-u-habeynta Ciidamada oo uu ka mid yahay Wasiirkii hore Amniga Puntland Gen. Khaliif Ciise Mudan.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan ayaa warbixin ka dhageystay, Saraakiisha Ciidamada Difaaca ee Dowladda Puntland ee Aaga Tukaraq, Kadibna waxaa uu Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash wuxuu Asteeyay Xarun lagu tababarayo Ciidamada Daraawiishta Puntland.

Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxaa weli isku hor-fadhiya Ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Somaliland, iyagoo mararka qaarkood isweedeersada Madaafiic xooga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *